1578 Views

Ra’iisul wasaarihii hore Ee Dalka Malaysia Oo la xiray

Ra’iisul wasaarihii hore Ee Dalka Malaysia Oo la xiray
____________________________________________________________________________

Nouakchott, July 03, 2018 —Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Malaysia Najib Razak, ayaa maanta la xiray ayada oo lala xiriirinayo fadeexad musuq-maasuq oo balaayin dollar ah.

Ilo-wareedyo ayaa sheegay in Najib ay maanta gurigiisa ku xireen wakiilada guddiga ka hor-taga musuq-maasuqa dalka Malaysia.

Xarigiisa ayaa waxa uu xiriir la leeyahay lacag lagala baxay hay’adda horumarinta dhaqaalaha dalkaas ee 1MDB.

 

Ra’iisul wasaaraha hore ayaa waxaa la filayaa in si rasmi ah dacwad loogu soo oogo maalinta arbacada.

Waaxda cadaaladda Mareykanka ayaa horey u sheegtay in 4.5 bilyan oo dollar laga xaday hay’adda 1MDB, ayada oo qeyb ka mid ah lacagtaas ay ku dhacday sanduuqyada lacageed ee Najib.

Fadeexaddan ayaa sidoo kale hogaamisay in isbaheysiga Najib ay lumiyaan doorashadii dalkaas ka dhacday bishii May, taasi oo ahayd markii ugu horeysay oo xisbigiisa laga adkaado tan iyo xoriyaddii dalkaas ee 1957-kii. bALSA Najiib waa uu beeniyey eedeymaha loo jeediyey.

 

 

 

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

———————————————————————-

 

 

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment