1491 Views

Madaxtooyada Soomaaliya oo beenisay eedeymaha uga yimid xildhibaan Zakariye Maxamuud Xaaji

Madaxtooyada Soomaaliya oo beenisay eedeymaha uga yimid xildhibaan Zakariye Maxamuud Xaaji
____________________________________________________________________________


Khamiis: November 4, 2021

xildhibaan Zakariye Maxamuud Xaaji  ayaa eedayn u jeediyay saacadihii la soo dhaafay Madaxtooyada soomaaliya  oo ku aadan sida loo maamulay diyaaradaha aan duuliyaha lahayd oo lagu qabtay Garoonka Muqdisho, uu Sakariye ku eedeeyay in laga soo abaabulay arintaas Villa Soomaaliya, si sucdasiida wax loogu dhimo.

Waxaa arintaas ka jawaabay Agaasimaha warfaafinta madaxtooyada Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Xaashi oo waxba kama jiraan ku tilmaamay eedeynta xildhibaan Zakariye,  waxa uuna sheegay in Hay’addaha amaanka ay shaqadaas ku jiraan baaristeeda.

Waxa uu sheegay afhayeenka Villa Soomaaliya in meesha aysan oolin waxa uu ku sheegay eeda  mala’waalka ah ee uu soo jeediyey xildhibaanku, waxa uuna sheegay in arrintani ay tahay mid khuseysa laamaha ammaanka.

Sidoo kale waxa uu ugu baaqay Xildhibaanka in gacanta ku hayaan laamaha ammaanku howsha oo uu la xiriiro   uuna  dhowro baaritaannada ay ku hubinayaan, una fududeeyo wixii lagu ilaalinayo amniga dalkeenna.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post