849 Views

Safiirka dowladda Soomaaliya u fadhiya waddanka Kenya oo kulan gaar ah magaalada Nairobi kula yeeshay safiirka Thailand u fadhiya Kenya

Safiirka dowladda Soomaaliya u fadhiya waddanka Kenya oo  kulan gaar ah magaalada Nairobi kula yeeshay safiirka Thailand u fadhiya Kenya
____________________________________________________________________________

Sabti: October 16, 2021

Safiirka dowladda Soomaaliya u fadhiya waddanka Kenya Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa kulan gaar ah magaalada Nairobi kula yeeshay safiirka Thailand u fadhiya Kenya Sasirit Tangulrat.

Danjire Tarsan ayaa laga soo xigtay in uu kulan gaar ah Nairobi kula yeeshay safiirka dowladda Thailand u joogo waddanka Kenya Mr. Sasirit Tangulrat.

Labada mas’uul ayaa kulankooda uga wada-hadlay horumarinta arrimaha ganacsiga labada dal ee Soomaaliya iyo Thailand gaar ahaanna kalluumeysiga.

Sidoo kale labada safiir waxay ka wada-hadleen arrimaha Waxbarashada iyo Caafimaadka labada dal.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post