1071 Views

SAWIRO:-Wafdiga Xasan Sheekh Maxamuud oo gaaray Kismaayo

SAWIRO:-Wafdiga Xasan Sheekh Maxamuud oo gaaray Kismaayo
____________________________________________________________________________

Kismaayo | QOL | October10 -2019 —Magalaada Kismaayo ee Xarunta KMG ah ee Maamulka Jubbaland waxaa gordhow gaaray wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud,kuwaas oo ka ambabaxay Magalada Muqdisho.

 

Garoonka diyaaradaha Magalada Kismaayo wafdiga waxaa kusoo dhaweeyey Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam,Xubno ka tirsan golaha wasiirada Maamulkaas iyo saraakiil Ciidan.

 

 

 

Wafdiga Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa ay Kismaayo u tageen ka qeyb-galka xaflada Caleema saarka Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo dhawaan ka dhaceysa Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose.

 

Sidoo kale daqiiqadaha soo socda ayaa la filayaa inay Magaalada Kismaayo ay gaaraan Madaxweynihii hore ee Dowladii KMG aheyd Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo C/raxmaan Cabdi Shakuur oo ah hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Kismaayo 

____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment