855 Views

Boqolaal Ruux Oo Lagu Qabtay Howlgal Laga Sameeyey Dhuusamareeb

Boqolaal Ruux Oo Lagu Qabtay Howlgal Laga Sameeyey Dhuusamareeb
____________________________________________________________________________

Mogadisho  –December 16, 2019 | QOL |   –Ciidanka amniga dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Maamulka Galmudug ayaa xalay waxaa ay howlgal ka sameeyeen Xaafadaha kala duwan ee Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug.

Howlgalkan ayaa Ciidamada waxaa ay sigaar ah uga sameeyeen Xaafadda lagu magacaabo Dayax ee ku taalla halkaas, waxaana lagu soo qabtay ku dhawaad 300 oo ruux oo u badan dhalinyaro, kuwaasi oo looga shakiyay falal amni darro.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in Ciidanka ay goob barxad ah isugu geeyeen dadkii lagu soo qabtay howlgalka, isla markaana qaarkood sii daayay, halka kuwo kalena ay horey u wateen.

 

Saraakiisha Ciidanka dowladda ayaa sheegay in ragga lasoo qabtay lagu sameeyn doono baaritaano kala duwan, kadib markii looga shakiyay falal amni daro xili shalay ciidanka amniga qabteen wax yaabaha qarxa oo lagu qariyay gudaha Magaalada.

 

Ujeedka howlgalka laga sameeyay Magaalada Duusamareeb ee caasimadda Galmudug ayaa waxaa uu ahaa mid lagu xaqiijinayo amniga, iyadoo dhawaan halkaas lagu wado inay ka dhacdo Doorshada Madaxtinimada Galmudug iyo mid Guddoonka Baarlamaanka maamulkaas.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment