945 Views

Iiraan oo sheegtay inay wada-dallo la yeelan doonin Mareykanka

Iiraan oo sheegtay inay wada-dallo la yeelan doonin Mareykanka
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September 03, 2019 —Madaxweynaha Iran, Hassan Rouhani ayaa maanta sheegay in dalkiisa uusan wada-hadallo laba dhinac ah la yeelan doonin Mareykanka.

 

Isaga oo ka hadlayey baarlamanka, ayuu Rouhani sheegay in habka kaliya ee wada-hadallo ay ku dhici karaan ay tahay, haddii Mareykanka uu qaado dhammaan cunaqabateenada ka dhanka ah Iran.

 

 

 

Waxa uu sidoo kale shuruud ka dhigay in wada-hadallo kasta oo markaas kadib dhacaa, ay noqdaan kuwa ay ka qeyb-galaan dhammaan saxiixayaasha heshiiskii caalamiga ahaa ee Nukliyeerka Iran laga gaaray 2015.

 

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa heshiiskaas ka baxay sanaddii tagtay kadib markii uu si aad ah u dhalleeceeyey qodobada heshiiska, oo ay ku lug lahaayeen dalalka Britain, China, France, Russia, Germany, iyo Midowga Yurub.

 

Trump ayaa toddobaadkii tagay muujiyey inuu u furan yahay inuu la kulmo Rouhani, isaga oo yiri “waxaa jira fursad aad u wanaagsan”, oo ay Iran ku wada-hadli karaan.

 

Trump ayaa sheegay in heshiis kasta oo cusub oo la galayo uu noqdo mid dhaafsan barnaamijka Nukliyeerka Iran, islamarkaana lago daro in Tehran ay xaqiijiso inaysan xiisad kale ka abuuri doonin gobolka, ayada oo qaadeysa dhaq-dhaqaaq militari iyo weeraro.

 

Waxa kale oo uu sheegay in heshiis kasta uu noqdo mid mamnuucaya barnaamijka Nukliyeerka Iran wax ka badan 10-kii sano ee ku dhignaa heshiiskii 2015.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment