363 Views

Qoys Dil Wadareed loogu Gaystay Xalay Duleedka Degmada Warshiikh

Qoys Dil Wadareed loogu Gaystay Xalay Duleedka Degmada Warshiikh
____________________________________________________________________________

Talaado: Novembe: 29, 2022

Qoyska Xalay dil wadareedka loogu geystay
Tuulada Xaluule Ee degmada Warshiikh waxa ka mid ahayd gabadhaan lagu magacaabijiray Safiya Sheekh Abuukarow.

Dadka lala dilay waxaa sidoo kale ka mid ah walaalkeed Abuukar Iidow, abtigeed Sheekh Muxamed Sheekh Cabdi Celi iyo ayeydeed Sangaabo Maxamuud Xuseen

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in dhacdadan ay salka ku heyso dilal la xiriira aanooyin Qabiil oo ka taagan deegaano ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay maamulka degmada iyo saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan weerarkaas oo cabsi ku beeray dadka deegaanka.

Si kastaba, falkan ayaa kusoo aadaya, ayada oo dhowaan heshiis rasmi ah laga gaaray colaad beeleed maalmihii ugu dambeeyey ka taagneyd gobolka Shabeelaha Dhexe, gaar ahaan duleedka degmada Cadale, taas oo uu dhammeystirkeeda goobjoog ahaa madaxweyne Xasan Sheekh, iyada oo lagu ballamay in qofkii dil geysta sharciga la geeyo.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post