2100 Views

Golaha amaanka oo waqtiga u kordhiyay AMISOM

Golaha amaanka oo waqtiga u kordhiyay AMISOM
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May 16, 2018 – Golaha amaanka ee Qaramada Midoobey ayaa muddo kordhin u sameeyay Howlgalka Midowga Afrika ee ka socda Soomaaliya.

Warbixin uu soo saaray Golaha ayaa lagu sheegay in 30-ka October ee soo socota tirada Ciidanka labesan ee AMISOM ka jooga Soomaaliya ay noqdaan 20,626 oo Askari,halka ay hadda ka yihiin 22,126 oo Askari.

Waxaa lagu sheegay in muddada dhimista Askarta Milatariga ah ay bar bar socoto ku beddelidda Askar Boolis ah oo gaaraya 1,040 Askari oo Booliska AMISOM ah.

Waxaana Booliska loo qeybin doonaan Shan Unug oo ah Boolis xirfadyahanno ah,kuwaas oo ka qeybqaadanaya dhismaha iyo tababarka Booliska Soomaaliya.

Qorshaha howlgalka AMISOM ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in uu yahay in 70% laga dhigo mid rayid ah,iyada oo la dhisayo Ciidan Soomaali ah oo gaaraya  10,900,kuwaas oo xaqiijinaya amniga dalka iyaga oo kaashanaya Booliska AMISOM.

AMISOM waxaa fursad loo siiyay in ilaa dhamaadka Bisha July ee soo socota ay Ciidamo u diri karaan Soomaaliya kaddibna ay billaabaneyso ku beddelidda  Booliska

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment