975 Views

Madaxweynaha Iran Rowxani oo sheegay in difaacida reer Galbeedka u muujinayaan sawirada lagu aflagaadeenayo Nebi Maxamed SCW inay tahay anshax-xumo

Madaxweynaha Iran  Rowxani oo  sheegay in difaacida reer Galbeedka u muujinayaan sawirada lagu aflagaadeenayo Nebi Maxamed SCW inay tahay anshax-xumo
____________________________________________________________________________

Madaxweynaha Iran Xasan Rowxani ayaa sheegay in difaacida ay dalalka reer Galbeedka u muujinayaan sawirada lagu aflagaadeenayo Nebi Maxamed SCW inay tahay anshax-xumo iyo aflagaado ku socota dhamaan Muslimiinta.

Rowxani oo khudbadiisa laga siidaayey telefishinka dalka Iran ayuu ku sheegay in Xoriyada hadalka laga doonayo inay sidoo kale la socoto Akhlaaq & tixgelinta diimaha iyo dhaqanka.

“Aflagaadeynta Nebiga SCW waa mid loo geystay dhamaan Muslimiinta iyo Dhamaan Nebiyadii illaahay iyo akhlaaqdii iyo diintii ay na-bareen…” ayuu yiri Madaxweynaha Iran oo sheegay in hogaamiyayaasha reer Galbeedka aysan arrintan fahansaneyn.

sidoo kale Dunnida Islaamka ayey maalmahan ka dhacayeen banaanbaxyo looga soo horjeedo Madaxweynaha iyo Dowlada France kadib markii Emmanuel Macron uu sheegay inay difaaci doonaan sawiradii ay daabacday jariirada dalkaasi kasoo baxda.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post