924 Views

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane oo bahda waxbarashada Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane oo  bahda waxbarashada Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey
____________________________________________________________________________

 Axad: November 21, 2021

  
 Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa bahda waxbarashada Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey Maalinta Macallinka Soomaaliyeed oo ku beegan 21-ka Nofeembar.

Madaxweynaha ayaa xusay in Macallimiinta Soomaaliyeed gaar ahaan Macalimiinta Koonfur Galbeed ay ku soo shaqeeyeen duruufihii adkaa ee dalku soomaray, iyaga oo u dhabar adaygay inay ka shaqeeyaan sidii dhalinta Soomaaliyeed loogu guulaysan lahaa sidii loo hormarinta lahaa hanka waxbarashada ay ka leeyihiin.

“munaasabada maalinta macalinka Soomaaliyeed awgeeda waxaan hambaliyo udireyaa dhamaan macalimiinta Soomaaliyeed gaar ahaan barayaasha Koofur Galbeed, macalimiinta waxay door muhiim ah ka qaataan sidii ay usoo saari lahayeen jiilal ku gaashaaman waxbarasho tayo leh taasi oo aasaas uah hormarinta dalkeena iyo samatabixinta dowladnimada Koofur Galbeed.

Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa Mudooyinkii udambeyey waxa ay dadaal ku bixisay tayanta Waxbarashada Hirgelinta iskuulo iyo Jaamacadaha hore leh oo qeyb ka qaadanayo Hormarinta Waxbarashada Deeganada Koonfur Galbeed.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post