288 Views

Ciidanka DANAB oo degaano kala wareegay Al-Shabaab

Ciidanka DANAB oo degaano kala wareegay Al-Shabaab
____________________________________________________________________________

Ururka 4aad Guutada 16aad kumaandooska Danab iyo ciidamada dib uxoreeynta deegaanada ayaa Maanta howlgallo ka dhan Al-Shabaab ka sameeyay tuulooyin hoos yimaado deegaanka budbud ee Gobolka Galgaduud.

Goobaha Maanta laga sameeyay ee hawlgalka waxaa ka mid ah tuulada xiintumaal iyo ceelal laga cabo biyaha kuwaas oo ku yaalay dhulka howdka ah, waxaana saraakiisha Ciidamada ay sheegeen inay degaannadaas isaga baxeen Al-Shabaab.

Taliyaha Ururka 4-aad ee Kumaandooska DANAB Laba xidigle Cabdullaahi Mustafa Cali “Madaale-qaran” oo hogaaminayay howlgalka, ayaa sheegay inay kuraad joogaan Xubnaha ka haray  Al-Shabaab kuwaas oo ku sugan deegaano ku dhow degmada Ceelbuur oo ay kaabi ku hayaan boqolaal ka tirsan ciidamada xooga somaliyeed.

Dadka degaannada howlgalka laga sameeyay ayaa sheegay in ay arkayaan Ciidamada dowladda oo wata Gaadiidka dagaalka iyo hub farabadan, kuwaas oo kusii siqaya degaano dhowr ah oo ay ku sugan yihiin Al-Shabaab.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post