255 Views

Booliska Hindiya oo xiray sharci yaqaanka xisbiga talda hayya, Raja Singh, kaas oo lagu eedeeyay inuu aflagaadeeyay Nabi Maxamed

Booliska Hindiya oo  xiray sharci yaqaanka xisbiga talda hayya, Raja Singh, kaas oo lagu eedeeyay inuu aflagaadeeyay Nabi Maxamed
____________________________________________________________________________

Arbaco: AUGUST 24, 2022

Booliska Hindiya ayaa xiray sharci yaqaanka xisbiga talda hayya, Raja Singh, kaas oo lagu eedeeyay inuu aflagaadeeyay Nabi Maxamed (NNKH).

Xarigiisa ayaa imanaya todobaadyo kaddib markii hadal lamid ah uu yiri sarkaal sare.

Ninka la xiray oo xubin ka ah xisbiga Janata Party BJP), ayaa muuqaal soo dhigay baraha bulshada, kaas oo wararku sheegayaan inuu ku aflagaadeeyay Nebiga (NNKH.

Hadalkiisa ayaa caro ka dhalilay Koonfurta magaalada Hyderabad, halkaas oo boqolaal qof ay isugu soo baxeen habeenkii Jimcaha, si ay u dalbadaan xarig ka dhan ah siyaasigaasi u shaqeeya dowladda.

Maalmo kahor,Saddex ruux ayaa ku dhimatay magaalada Bangalore ee koonfurta dalka Hindiya kaddib markii ay ciidamada booliska rasaas ku fureen dad mudaharaadeyaal ah oo ka careysan “aflagaaddo” la sheegay in Nabi Muxammad, Nabadgalyo iyo Naxariis dushiisa ha ahaatee, loogu geystay Facebook.

.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post