762 Views

Yusuuf Garaad oo wax ka qorey Taariikhda Axmed Cabdinuur

Yusuuf Garaad oo wax ka qorey Taariikhda Axmed Cabdinuur
____________________________________________________________________________


Muqdisho | QOL | January 06, 2021
–Ambassador Yusuf Garaad Cumar ayaa qormadaan uga hadlaya taariikhdii saxaafadda AUN Axmed cabdi Nuur oo kooban.

Aad ayaan uga naxay ugana murugeysanahay geerida Axmed Cabdi Nuur oo ah walaal aan muddo dheer soo wada shaqeynay oo ku geeriyooday London.

Axmed wuxuu ahaa weriye caan ku ah warbaahinta Qaranka, Radio Muqdisho oo uu wararka iyo Sportiga caan ku ahaa iyo Teleifishinka Qaranka oo uu midkood ahaa labadii weriye ee ugu horreeyay ee u kaltami jiray akhrinta wararka.

Markii iigu horreysay ee aan barnaamij idaacad ka akhriyo wuxuu ahaa labadii weriye ee aan la akhriyay midkood.

Mar ayuu noqday weriyaha Madaxweynaha Soomaaliya ka hor dagaallada. Waxay ahayd markii uu saaxiibkii Cawke oo ahaa weriyaha Madaxweynuhu uu shil baabuur galay oo gacan ka jabay.

Mar kale wuxuu noqday Madaxa Xafiiska Wararka iyo ka dib, Madaxa Radio Muqdisho.

Wuxuu noqday weriye BBC uga soo warrama Muqdisho qaar ka mid ah xilliyadii ay ugu colaadda badnayd, ka dibna xarunta BBC Bush House iyo Broadcasting House ee London ayuu sannado badan ka shaqeeyay.

Nin deggan, oo aan caaddifad aqoon ayuu ahaa, oo wararka dhacdooyinka uu tebinayo ka dhowra in dareenka iyo danihiisa shakhsiga ahi ay saameyn ku yeeshaan.

Mas’uul wuxuu ahaa afgaaban se hadalka xikmadda iyo xusuusta reeba heli og.

Axmed Cabdi Nuur Allah ha u naxariisto, ehelkiisa iyo saaxiibbadiisa faraha bandanna samir iyo iimaan Allah ha ka siiyo.

Ilaahow Jannada ugu bishaaree.

xafiiska Wararka Qaranimo Online |
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post