525 Views

M/weynaha Uganda oo ku baaqay in Cune-qabteyn hubka laga qaado Soomaaliya

M/weynaha Uganda oo ku baaqay in Cune-qabteyn hubka laga qaado Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Arbaco:AUGUST 10, 2022

M/weynaha Uganda Yuweri Musavani ayaa ka dalbaday golaha amaanka ee Q,M in cunaqabataynta hubka laga qaado Soomaaliya si dawlada Soomaaliya awood ugu yeelato sugida amniga dalkeeda.

Hadal kooban oo uu m/weyne Musaveni ka jeediyay kadib kulan uu la qaatay dhigiisa Soomaaliya Xasan Sh, Max’ud oo booqasho ku jooga dalka Uganda ayuu sheegay inay muhiim tahay in golaha amaanka ee Q,M Soomaaliya ka qaadaan cunaqabataynta hubka ee saaran.

M/weynaha waxaa uu sheegay in si dawlada Soomaaliya awood ugu yeelato sugida amniga ay muhiim tahay inay hesho awood ciidan oo dhameystiran taasoo ku xiran in laga qaado cunaqabataynta hubka ee mudada dheer saaran.

“Anigoo taageersan dadaalada Q,M ee xasilinta Soomaaliya haddana waxaan si wadajir ah u codsanaynaa in Soomaaliya laga qaado cunaqabataynta hubka si ay awood ugu yeelato in amniga mas’uul ka noqoto” ayuu yiri m/weynaha Uganda.

Sidoo kale qoraal wadajir ah oo ay soo saareen m/weynayaasha Soomaaliya iyo Uganda ayay beesha caalamka uga codsadeen inay taageeraan ciidamada Soomaaliya si amniga dalka loo xoojiyo.

November sanadkii hore ayaa xubnaha golaha amaanka u codeeyay in Soomaaliya lagu sii hayo cunaqataynta hubka ee saaran inkastoo horey loo qafiifiyay waxaana golohu mar kale ka fariisan doonaa arrintaan bisha November ee soo socota.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post