999 Views

Mareykanka tiradda dhimashadda Corona Virus oo gaartay 18,777

Mareykanka tiradda dhimashadda Corona Virus oo gaartay 18,777
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | April 11, 2020 –Mareykanka ayaa soo sheegay 2,108 dhimasho coronavirus ah muddo 24 saac gudahooda ah sidda ay shaacisay Hay’adda u xil saaran la tacaalida Corona Virus.

 

Waa Kororkii ugu badnaa ee dhimashadda  maalinlaha ah ee dalka Mareykanka tan iyo markii uu cudurka dillaacay.

 

 

Waxaa ay sidoo kale noqoneysaa tiraddii ugu badneyd ee taariikhda hal maalin u dhimata Corona Virus ah tan iyo markii dhamaadkii 2019-kii uu kasoo bilowday Magaalada Wuhan ee dalka Shiinaha.

 

Tirada guud ee dhimashada Mareykanka gaareysa 18,777  sidda ay ku warantay Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO).

 

Dhanka kale, tirada kiisaska la xaqiijiyay ee Mareykanka ayaa kor u dhaaftay 501,000 Sabtidii.

 

Adduunka oo dhan, tirada kiisaska ayaa ku dhow 1.7 milyan, iyadoo tirada soo-kabashada ay ku dhowdahay 376,000.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment