843 Views

Ciidamada Dowlada Somaliya iyo kuwa AMISOM oo saakay xiray wadooyinka Magaalada Baladweyne

Ciidamada Dowlada Somaliya iyo kuwa AMISOM oo  saakay xiray wadooyinka Magaalada Baladweyne
____________________________________________________________________________

Ciidamada Dowlada Somaliya iyo kuwa AMISOM ayaa saakay xiray wadooyinka waa weyn ee ku yaalla Magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan iyooga howlgalo xoogan ka wado xaafadaha qaar ee Magaalada.

Ciidamo farabadan ayaa lagu arkayaa saakay wadooyinka Muhiimka ah waxaana ay Ciidamada Joojiyeen dhamaan isku socodka gaadiidka iyo dadka shacabka ah ee waooyinkan isticmaale jireen.

inta uu howlgalka socday ayaa ciidamada Amaanka waxaa ay qabten ku dhawaad 10 dhalinyaro ah kuwaas oo la geeyey saldhiga booliska Magaalada Baladweyne lamana oga ujeedka howlgalka xalay ilaa saakay ka socda Magaalada.

dad careeysan ayaa xalay wadadada laamiga ah ee isku xirta Magaalada iyo Garoonka diyaaradaha Ugaas khaliif waxaa ay ku jareen dhagaxaan sida ay Hiiraanweyn usheegay mid kamid ah dadka deegaanka kuwaas oo ciidamada ay qaadayeen dhagaxaanta waada lagu jaray.

Saraakiisha laamaha Amaanka Gobolka Hiiraan iyo Maamulka Hirshabeelle ilaa iyo hada kama aysan hadlin howlgalada 3 maalin ee ugu danbeeeyey ka socday Magaalada Baladweyne ee Xraunta Gobolka Hiirraan.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post