492 Views

GALMUDUG oo loogu dabaal-dagay Netherland [SAWIRRO]

GALMUDUG oo loogu dabaal-dagay Netherland [SAWIRRO]
____________________________________________________________________________

Isniin, 22 Ogoosto [Qaranimo Online] Xaflad si qurux badan loo so oagaasimay ayna ka soo qeybgaleen Jaaliyadaha GALMUDUG ee ku dhaqan Netherland ayaa lagu qabtay habeenimadii Sebtida ee ay taariikhdu ku beegneyd 20-ka Ogoosto Magaalada Denhaag.

Xafladdan oo loogu dabaaldagayay aasaaska Galmudug waxaa ka soo qeybgalay waxgarad ka socday qeybaha kala duwan ee bulshada waxaanna lagu soo bandhigay taariikhdii & marxaladihii ay soo martay Galmudug.

Suxufi C/llaahi Taajiroow oo ka mid ahaa guddigii xafladda Galmudug soo qabanqaabiyay, ayaa barnaamijka xiriirinayay waxaana dadkii ka hadlay oo ahaa hormuudka mushtamaca Soomaalida Holland, ka mid ahaa Dr. Cumar Weheliya, Guddoomiyaha dalladda FSAN Maxamed Askari,  Guddoomiyaha Jaaliyada Galmudug ee Holland Maxamed Cusmaan Guurre,  Aqoonyahan Daahir Cali Kamiin, Suxufi Bile Gurxan, Jamaad Jeesto, C/llaahi Qandac, Deeqa Ladan, & marti sharaf kala duwan.

Dr. Cumar Weheliya oo xafladda ka hadlay wuxuu sheegay in bulshadu garowsato muhiimada isla xisaabtanka, wuxuuna tilmaamay in cid kasta ee ay bulshadu u dhiibato mas’uuliyad in lagula xisaabtamo mas’uuliyada.

“Maamulada dalka ka jira, ee waddanka oo dhan loo suubiyay ee dowlad-goboleedyadan qolo ba ay maalin dabaaldageyso oo calamada gaarka ah na loo suubiyay ayaa u baahan in dadka aqoonyahanka ah ee dadkooda u damqanaya in ay isweydiiyaan war siddaani ma dan bay inoo tahay mise inooma aha.?” Ayuu yiri Dr. Cumar Weheliya, isaga oo intaasi raaciyay in Maamul kasta ee la dhiso aan loo baahneyn in la amaano ee loo baahan yahay in lagula xisaabtamo adeegyada ay bulshadu ka heleyso.

“Waa inaan isweydiinaa maamulkani maalintii la dhisay ilaa maanta muxuu dalka & dadka u qabtay. Muxuu soo kordhiyay.? Maxaa wanaag ah oo lagu ammaanaa. Muxuu ka gaabiyay oo lagu dhaliili karayaa.?. Ayuu yiri Shiikh Cumar.

Guddoomiyaha dalladda FSAN Maxamed Askari, wuxuu

Daahir Cali Kamiin oo ka mid ah mas’uuliyiinta Galmudug ee madasha ka hadashay ayaa sheegay in cadaaladu ay udub-dhexaad u tahay horumar kasta ee ay bulsho ku tillaabsato, isaga oo xusay in loo baahan yahay in Dowlad goboleedyada & Dowladda dhexe ay wada-shaqeeyaan.

“Si cadaaladu u najaxdo waa in madaxda & cid kasta ee mas’uuliyad loo dhiibo lagula xisaabtamo mas’uuliyadaasi” Ayuu yiri Aqoonyahan Daahir Cali Kamiin.

C/llaahi Qandac oo ka mid ahaa aqoonyahanadii kulankaasi ka hadlay wuxuu dhinaciisa sheegay in Galmudug hooyo u tahay Qaranka Soomaaliya, wuxuuna dadka Galmudug ku tilmaamay in ay astaan u yihiin jiritaanka Qaranimada Soomaaliya.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye [Qoor-qoor] oo ka qadka taleefanka kaga qeybgalay xafladda ayaa Jaaliyadaha Galmudug ee ku dhaqan Netherland ugu baaqay in ay ka qeybqaataan sidii loo caawin lahaa bulshada ku dhaqan Galmudug ee ay abaaruhu ku dhifteen.

“Madaxweynayaashii dalka soo maray intooda badan waxay ka yimaadeen Galmudug, waxayna Galmudug tusaale fiican u noqon kartaa Soomaali oo idil” Ayuu yiri Guddoomiyaha Jaaliyada Galmudug ee NL Maxamed Cusmaan [Guurre].

Intii ay socotay xafladda waxaa heeso waddani ah & kuwa Galmudug u gaar ah ku luuqeynayay fannaaniin uu ka mid ahaa Cabdi Baadil.

Waxaa loo mahadceliyay Guddigii xafladda soo qabanqaabiyay oo uu ay hormuud u ahaayeen Taajiroow, Eng. Feysal, Khadra Guutaale, Guurre & Sahal Maxamed Cali.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post