948 Views

Madaxweynaha Galmudug oo ka hadlay dilka loo geystay Abwaan Badal Jaamac Xersi

Madaxweynaha Galmudug oo ka hadlay dilka loo geystay Abwaan Badal Jaamac Xersi
____________________________________________________________________________

Talaado: April 19, 2022

Madaxweynaha Galmudug, mudane Axmed Cabdi Kaariye, ayaa ka tacsiyeeyay geerida naxdinta leh ee ku timid allaha u raxmadee, Abwaan Badal Jaamac Xersi (Laangare), oo Xalay lagu dilay  degmada Kaxda ee duleedka Muqdisho xili uu salaadii maqrib ka soo baxay masjid ku yaalaas.

Madaxweynaha ayaa si guud ugu tacsiyeeyay ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaanna qoyska, qaraabada iyo xusulka marxuumka, Eebbe uga baryay inuu ka waraabiyo Janadiisa Firdowza ahaa

Abwaan Badal ayaa ka mid ahaa nabadoonada Galmudug, had iyo goor u taagnaa nabadeynta iyo dadaalada dib u dhiska dowladnimada Soomaaliya..

Office Nairobi Kenya



_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post