810 Views

Guddiyada doorashooyinka Heer Federaal & xalinta khilaafaadka oo gaaray Dhuusamareeb

Guddiyada doorashooyinka Heer Federaal & xalinta khilaafaadka oo gaaray Dhuusamareeb
____________________________________________________________________________

Moqdisho,August 09, 2021 —Wafdi uu hoggaaminaayo Guddoomiyaha Guddiga hirgalinta doorashooyinka heer federaal FEIT Soomaaliya Maxamed Xasan Cirro ayaa Maanta gaaray Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta dowlad Goboleedka Galmudug.

Guddoomiye Maxamed Cirro iyo wafdigiisa la socday oo qayb uu ka yahay gudoomiye kuxigeenka gudigga xalinta khilaafaadka maxamed Ibrahim barre ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb kusoo dhaweeyay Gudoomiyaha Gudigga maamulka doorashada heer dowlad goboleed ee Galmudug, Maxamed Dahir Guuleed iyo xubnaha kale ee Guddiga.

Ujeedka Guddiga hirgalinta doorashooyinka heer federaal FEIT Soomaaliya ayaa waxaa uu yahay dardar-galinta qabsoomidda doorashada Xildhibaanada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliy oo la filayo inay ka bilaabato Magaalada Dhuusamareeb.

Xafiiska Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post