1116 Views

Khayre oo ku dhawaaqay in uu yahay Musharax Madaxweyne 20/21.

Khayre oo ku dhawaaqay in uu yahay Musharax Madaxweyne 20/21.
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  September 13 2020—Xasan Cali Khayre Ra’iisul wasaarihii Xukuumadda Kalsoonida ka waysan Golaha Shacabka BFS ayaa caawa ku dhawaaqay in uu yahay musharax u taagan xilka Madaxweynaha Dowladda Federaalka 20/21.

Khayre oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook ayaa sheegay in wadatashiyo dheer kadib in uu go’aansaday ku dhawaaqista musharaxnimadiisa si uu qayb uga noqdo Xubnaha ku haminaya qabashada kursiga dalka uga sareeyo ee Madaxweynaha.

“Walaalayaal, waxaan shaki ku jirin in labaatankii sano ee la soo dhaafay ay dawlanimadeennu hore u socotay, tallaabadeeduba ha gaabnaatee. Muddo xileedkii 5aad ee geeddi socodkaas, ummadda Soomaliyeed waxaan ugu soo adeegay mas’uuliyad Ra’iisul Wasaare. Xilkaas oo waxna lagu soo qabtay, Alle mahadii waxna laga soo bartay” ayuu yiri Xasan Cali Khayre.

Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo la hadal hayay in uu isu soo taagayo xilka Madaxweynaha ayaa ugu dambeyn caawa shaaciyay in uu hami ka qabo ka qaybgalka loolanka Doorashada oo doodda qaabka ay u dhaceyso hortaalla DFS & DG.

“Hadda oo la sugayo hannaan loogu gudbo muddo xileed cusub ee dowladda Somaliyeed, waxaan fikir iyo talo wadaag dheer kaddib halkan idinkula wadaagayaa musharaxnimadayda jagada Madaxwaynaha JFS” sidaasi waxaa yiri Xasan Cali Khayre.

Waa uu sii hadlay waxa uuna yiri “Anigoo si dhab ah u fahamsan fursadaha iyo caqabadaha la xiriira hoggaaminta iyo waxqabadka dalkeennu u baahan yahay maanta iyo mustaqbalkaba, waxaan markale isu soo qaddimayaa in aan dadkayga ugu adeego si ay ku dheehan tahay karti, hufnaan iyo daacadnimo”.

Madaxweynaha DFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Madaxda Galmudug, Hir-Shabeelle, Koofur Galbeed iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa Magaalada Dhuusamareeb ka shaaciyay in Doorashada dalka ay noqoneyso Ergada wax dooraneyso oo la kordhinayo, balse waxaa kahor yimid qodobadii shirka Dhuusamareeb (3), Axmed Madoobe iyo Siciid Deni.

Go’aanka doorashada dalka waa mid ku xiran wadatashiga Madaxda heer federal iyo heer Dowlad Goboleed, haddii ay xal ka gaaraan oo ay isku raacaan nuuc doorasho ama ay taageeraan tan lagu go’aamiyay Dhuusamareeb (3), waxaa loo gudbi doonaa waqtiga ay dhaceyso.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ku dhawaaqay in Codka kalsoonida lagala noqday Ra’iisul Wasaare Khayre.

Madaxweyne Farmaajo oo aqbalay xilka qaadista Kheyre.

Xasan Cali Kheyre “Waxaan go’aasanaday inaan xilka iska casilo anoo og in hab sharci daro ah loo maray”

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post