933 Views

Beesha Caalamka oo baaq u dirtay Puntland iyo Jubbaland

Beesha Caalamka oo baaq u dirtay Puntland iyo Jubbaland
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | August-15-2020–Beesha Caalamka ayaa ugu baaqday maamulada Jubbaland iyo Puntland in ay kasoo qeyb galaan Shirka Magaalada Muqdisho uga socda Guddiga Farsamada ee doorashooyinka oo horay loogu heshiiyay shirkii Magaalada Dhuusamareeb.

War kasoo baxay beesha Caalamka ayaa walaac looga muujiyay ka maqnaanshaha Shirka ee maamuladaasi.

Beesha Caalamka ayaa sheegtay in doorashada Soomaaliya ay ka hartay Saddex bilood oo kaliyah loona baahan yahay in si weyn loo ilaaliyo Waqtiga doorashooyinka.

“Hawsha guddiga farsamada ee loo xilsaaray inuu ka soo baaraandego soona diyaariyo talooyinka hanaanka doorashada ee ay madaxdu isla qorfeyn doonaan ayaa lagama maarmaan u ah guusha shirweynaha la sugayo” ayaa lagu yiri Warka beesha Caalamka kasoo baxay.

Waxaa uu intaasi kusii daray “Waxaan ka walaacsanahay in qaar ka mid ah Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka aan weli guddiga u soo dirin wakiilladooda. Waxaan ku boorinaynaa inay wakiilladooda u ogolaadaan inay ka qaybqaataan hawsha guddiga, oo durbaba la billaabay, inta ay sii wadaan wadahadallada ay kula jiraan hoggaanka Dowladda Federaalka si loo xalliyo arrimaha weli taagan”

Warka Beesha Caalamka ayaa kusoo beegmaya xilli maamulada Puntland iyo Jubbaland xubnihii ka socday aysan ka qeyb galin Shirkii dhawaan Muqdisho uga furmay guddiga Farsamada ka baarandegga doorashooyinka

Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  ______________________________________________________________.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post