1770 Views

Diyaarad hore loogu diidey garoonka Hargeysa oo maanta ka degtey

Diyaarad hore loogu diidey garoonka Hargeysa oo maanta ka degtey
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL |June 3, 2018 –  Diyaarad sidday 50 muhaajiriin ah oo ka qaadday Muqdisha ayaa la sheegay in shalay ay ku degtay magaalada Garoowe, ka dib markii ay ku guuldarraysatay inay ogolaansho degitaan ka hesho masuuliyiinta garoonka magaalada Hargaysa, sida ay idaacadda VOA u sheegeen warar lagu kalsoon yahay.

Diyaaraddan ayaa la sheegay inay maanta mar kale u duushay magaalada Hargaysa, ka dib markii loo ogolaaday inay ka degto.

Maareeyaha Hay’adda Duulista Hawada iyo Madaarrada Somaliland Cabdi Maxamed Rodol ayaa sheegay in diyaaradaas markii shalay dib loo celinayey aysan Madaxda Garoonka cidna aan lagu wargelin imaanshaheeda.

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment