978 Views

“Dhiigga Wiilkeyga Ilyaas Waan Cafiyay, waana in aan qof kale lagu dilin Sweden” Cabdiraxmaan Sheekh Muxudiin.

“Dhiigga Wiilkeyga Ilyaas Waan Cafiyay, waana in aan qof kale lagu dilin Sweden” Cabdiraxmaan Sheekh Muxudiin.
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Sabsti   , March 21, 2020 —Magaalada Gothenburg ee Sweden waxaa maanta lagu aasay Ilyaas Cabdiraxmaan Sheekh Muxudiin Celi oo ahaa 16-sano jir dhawaan lagu dilay dalkaas, kadib markii ehelka Marxuumka loo ogolaaday in ay duugtaan.

Soomaalida kunool Magaalada Gothenburg ayaa ka qaybgashay salaadda Janaasada ee Ilyaas Cabdiraxmaan, waxaana ay soo jeediyeen in wax laga qabto dilalka ay isu geysanayaan dhalinyarada.

Cabdiraxmaan Sheekh Muxudiin Celi oo ah Aabaha Marxuumka la dilay, waxa uu goobta ka sheegay in wiilkiisa dadkii dilay uu cafiyay, isla markaana ka waalid ahaan ay cafis ay ka doorteen ciqaabidda gacan ku dhiiglayaasha.

 

“Ilyaas qof ka dambeyso oo loo dilayo ma jirto, aniga oo toogan meel ay joogsadaan dad wax dhalay dan ugu adag waxa aan cafiyay dadkii dilka u geystay wiilkeyga, farriintii aad ii dhiibtay wiilkeygiyow ee ahayd dhiiggeyga ha u dambeeyo dhiig wiil dhalinyaro ama Gabar dhalinyaro ah Xaqdaro lagu daadsho ha u dambeeyo waan fuliyay, waana gaarsiinayaa dadka”  ayuu yiri Aabe Cabdiraxmaan Sheekh Muxudiin Celi.

Booliiska Sweden sarkaal u hadlay waxa uu sheegay in ay xoojinayaan ol-olaha ka dhanka ah dhalinyarada dilalka isu geysata, waxaana waalidiinta ay fareen in ay la socdaan carruurtooda, wixii ay u taag heli waayaana ay la wadaagaan Ciidamada ammaanka.

Ol-ole ka dhan ah Dilalka ay isu geystaan Dhalinyarada Soomaalida ee kunool Qurbaha oo qaarkood ku dhashay, Waalidiinta waxa ay wadaan wacyi gelin guud oo wax looga qabanayo dhibaatadaas.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment