621 Views

Sawiro:-Banaanbax Maanta ka dhacay Magaalada Garoowe

____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | November17, 2020 –Banaanbaxaan ayaa waxaa Maanta Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal ka dhigay qaar kamid ah Darawalada Gaadiidka yar yare e ka Shaqeya Magaalada Garoowe.

Darawalada oo isugu soo baxay inta badan wadooyinka Magaalada Garoowe ayaa waxaa ay ka cabanayaan lacago dheeraad ah oo ay sheegeen inay kusoo rogtay Shirkadda Dhaweeye oo inta badan keentay Gaadiidka yar yar oo ay ku Shaqeystaan.

Qaar kamid ah Gaadiidleyda oo Warbaahinta kula hadlay Barxada Magaalada Garoowe ayaa waxaa ay sheegeen in aysan awoodin bixinta lacagta ay kusoo rogtay shirkadda Dhaweeye, isla markaana lacagaha yar ay maalintii ka helaan ay Nolosha qoysaskooda ku maareeyaan.

Shirkadda Dhaweeya oo ay Darawalada ku eedeeyeen inay lacagaha kusoo rogtay weli kama jawaabin cabashada Darawalada gaadiidka yar yare e Magaalada Garoowe, kuwaas oo Maanta banaanbaxa dhigay.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post