1068 Views

Puntland oo ugu baaqday Madaxweynaha Waqtigiisa dhamaaday in uu ku soo laabto shirka arrimaha doorashooyinka ee Afisyoone

Puntland oo ugu  baaqday Madaxweynaha Waqtigiisa dhamaaday in uu ku soo laabto shirka arrimaha doorashooyinka ee Afisyoone
____________________________________________________________________________

April 10-4-2021

Qoraal cusub oo ka soo baxay maamulka Puntland ayaa waxaa looga hadlay shirka arrimaha doorashooyinka ee Afisyoone, kaas oo uu fashil ku yimid todobaadkii hore, sida ay shaacisay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Afhaayeenka madaxtooyada Puntland Jaamac Daparani oo war kooban soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa ugu baaqay madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday inuu ku soo laabto shirka Afisyoone, si loo sii amba-qaado wada-hadallada ku aadan doorashooyinka dalka.

Jaamac Daparani ayaa tilmaamay in Puntland ay weli diyaar u tahay inay sii socdaan dadaallada xalka looga gaarayo muranka hareeyey doorashooyinka 2021-ka.

Sidoo kale afhayeenka ayaa  intaasi ku daray in weli ay fadhiyaan gogosha, wuxuuna ka dalbaday Farmaajo in uusan fashilin wada-hadallada doorashooyinka dalka.

https://917b32d9fe9a931bc17947ce0988c344.safeframe.googlesyndication.com/safeframe/1-0-38/html/container.html “Waxa aan ugu baaqeyna Madaxweyne Farmaajo in uu gogosha kusoo laabto oo uusan  fashilin Shirka Afisyooni, Anagu weli gogosha ayaan fadhinaa, wadahadalka ha fashilin ee kusoo laabo mudane miiska wadahadalka,” ayuu yiri afhayeenka madaxtooyada Puntland.

Hadalkan ayaa kusoo aadaya, xilli lagu kala kacay shirkii gogol xaarka u ahaa wada-hadallada doorashooyinka ee Afisyoone, kadib markii madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada dalka, gaar ahaan Jubbaland iyo Puntland ay isku fahmi waayee qodobada qaar ee miiska saaran, kuna aadan sida loo wajahayo shirka guud.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post