1260 Views

Tigreega oo shuruudo ku xiray wadahadal ay galaan Madaxda Itoobiya

Tigreega oo shuruudo ku xiray wadahadal ay galaan Madaxda Itoobiya
____________________________________________________________________________


Muqdisho | QOL | February 20 2021–
Hogaamiyeyaashii xukunka laga tuuray ee xisbigii hore ee xukumayay waqooyiga gobolka Tigray ee Itoobiya, kuwaas oo baxsad kujiray in kabadan 3 bilood, ayaa soo saaray shuruudo ay ku xidheen wadahadalka nabadda.

Bayaanka ayaa waxaa baahiyay TMH, oo ah xarun warbaahineed oo taabacsan xisbiga TPLF.

Colaada kajirta Tigray ayaa qaraxday horaantii bishii Nofeembar 2020 markii ay ciidamada federaalku bilaabeen guluf ay ku saareen kooxda TPLF kadib markii dagaalyahanadooda ay qabsadeen saldhigyo militari

Liiska ay kooxda TPLF dalbatay waxaa kamid ah.

In ciidammadii Eriteriya lagala baxo Tigreega. Labada dal ee Itoobiya iyo Eriteriya ayaa beeniyay ku lug lahaanshaha Eritrea ee colaadda Tigray

Ka bixitaanka “xoogaggii kale ee soo duulay”. Ciidamada Amxaarada ayaa sidoo kale ku dagaallamay Tigray, waxayna gacanta ku hayaan meelaha qaar.

xafiiska Wararka Qaranimo Online |
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post