2385 Views

Waardiyihii gaarka ahaa ee Usama Bin Laden oo ka shaqeysta Germany

____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL |Qpril 25, 2018 – Warbaahinta Dalka Germany ayaa sheegaya in mid ka mid ah waardiyayaashii gaarka ahaa ee Usam Bin Laden uu ka shaqeysto Dalka Germany halkaasna degganyahay.

Sami A,waa Nin u dhashay Dalka Tunisia,waxaana uu mar ka mid ahaa ilaalada gaarka ah ee hoggaamiyihii hore ee Al Qaacidda Usama Bin Laden,xilligii uu ka dagaallamayay Afghanistan.

Magaca Sami A,maha magaciisa oo dhameystiran,waxaana loo qariyay sababo la xiriira amnigiisa,waxaa uu u shaqeeyaa Hay’ad ka shaqeysa degaanka oo ka howlgasha Dalka Germany.

Mushaarkiisu waa €1,168 oo Euroe,waxaa uu Germany degganyahay tan iyo 1997dii,waxaa uu isaga oo jooga Germany ku biiray Al-qaacidda 2000 ayuu ka mid ahaa ilaalada Usama.

Waxaa uu beeniyay in uu ku jiray Al-Qaacidda,Dowladda Germany ayaa diidday in dib u celin lagu sameeyo,waxaana loogu turay naftiisa oo jirdil ayaa looga baqay.

Bin Ladin waxaa lagu xusuustaa weerarkii 2001dii ee lagu bur buriyay daarihii Ganacsiga Mareykanka,10 Sano kaddib Ciidanka gaarka ah ee Mareykanka ayaa Usama ku dilay Dalka Afghanistan sanadkii 2011kii.

Sadddex ka mid ah xubnihii Al Qaacidda ee isku qarxiyay Daaraha Ganacsiga ee Mareykanka waxaa ay degganaayeen magaalada Hamburg, ee dalka Germany.

Dhowr jeer ayaa Sami A,magaciisa la geliyay liiska argagixisada ee Germany,waxaa loo diiday degganaansho rasmi ah,waxaana uu maalin kasta warbixin siiyaa saldhigga Booliska ee Magaalada uu degganyahay oo lagu magacaabo Bochum.

Waxaa uu Magaaladaas ku heystaa xaas iyo afar Carruur ah,Germany ma oggola dadka ka soo jeeda waqooyiga Afrika ee tuhunka argagixisada in dib loogu celiyo dalalkooda,waxaana looga baqayaa in waddamada ay asal ahaan ka soo jeedaan dhobaato u geystaan.

.

Sources: https://nypost.com/2018/04/24/bin-ladens-bodyguard-is-collecting-welfare-in-germany/

.

W/Q:- Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment