1017 Views

Ruushka oo diidday inay kaalmo ciidan u fidiyo dalka Itoobiya

Ruushka oo  diidday inay kaalmo ciidan u fidiyo dalka Itoobiya
____________________________________________________________________________

Isniin: June 28 2021

 Dowladda Ruushka ayaa diidday inay kaalmo ciidan u fidiyo dalka Itoobiya kaddib guulihii lama-filaanka ahaa oo ay ciidanka Jabhadda Tigreegu ka soo hoyeen dagaallo ka dhacay gobolka Tigree.

Demeke Mekonnen Hassen, Wasiirka Arrimmaha Dibedda Itoobiya, ayaa ka codsaday Ruushka inuu sahay iyo sanad degdeg ah la soo gaaro dowladda Itoobiya.

Ciidammada Tigreega ayaa gacanta ku dhigay in ka badan 4000 oo maxaabiis ah dhowr maalmood kaddib markii qaybo ka mid ah Itoobiya ay ka dhacday doorasho gorfeeyeyaal badani ku asteeyeen mid “Ra’iisal Wasaare Abiy Ahmed isku boqrayo.”

René Lefort, qoraa Faransiis ah, ayaa sheegay in Demeke uu hadda doonayo in dowladaha Galbeedku ka caawiyaan in wadahadal lala galo jabhadda Tigreega.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post