4623 Views

Kaftan Siyaasadeed dhexmaray Madaxweyne Farmaajo iyo Oday Raage askari

Kaftan Siyaasadeed dhexmaray Madaxweyne Farmaajo iyo Oday Raage askari
____________________________________________________________________________

Kaftanka siyaaasadda.……………

Muqdisho | April 7, 2017 – Oday Raage iyo Madaxweyne Farmaajo ayaa kaftamay, Oday Raage wuxuu askarinnimada qortey 1964 oo hadda laga joogo 53 isagoo 15 jir ah oo kurey ah, Tuutihii uu maalintaa gashaday ilaa waaga waa sitaa, adduunkana shaqo aan askarinimo ahayn kama yaqaano.

Markuu arkay Oday Raage Madaxweynaha oo dhar ka waaweyn sita Midigtana socodka ka bilaabayaa talaabadii askariguna ka maqantahay ayuu yidhi.

Mudanaha dalkaygoow
Madaxweynahaygoow
Dharka maanta kuu xidhan
Maryo lagu mushaaxiyo
Maaha mayraqyiyo qayd.

Meleteri hu’giisiyo
Maryo nolosha necebo
Mawdka aan ka biqinoo
Cadaw lagu makala iyo
Waa mariin askariyee
Maxaa maandhe kuu xidhay?

Madaxweyne Farmaajo isagoo xanaaqsan odaygana waxoogaa hadalkiisa quudhsanaya oo aan ka garaabin yidhi.

Meleteri nin maamula
Oo masruufa baan ahay
Ninka Madaxa sare iyo
Maqaan gaadhay baan ahay
Dadweynaha mareysani
Magacayga goortey
Maqlaan wey murqaaman
Dumarku waa mashxaradaa
Ragguna wey milgeeyaa
Ma mucaarad baad tahay
Odayahow madoobee
Aan macnaha lahaynee
Maamuuska garanayn.

Oday Raage arrinkii ayuu la yaabay, weedhaha faanka iyo booli xooftada ku jiraana wuu la yaabay wuxuu yidhi:

Adoon maare qoriyiyo
Madfac oogadaad
Ka dhacaayo mootaar
Allow yaa masuuloow
Muuqaalkaaga daawada
Saad u miririqleylayd.

Allow yaa masaariif
Kaaga dhiga mushaarida
Maalin iyo habeenkeed
Ku yidhaah maluugnoow
Heegan miigana ahoow.

Allow yaa masuuloow
Mushaharaadada
Maksabkaaga gaarka ah
Ku mushaaxa beledyada
Minyarana ku guursada

Allow yaa masuuloow
Maalintiyo habeenkii
Mooryaan gareydii
Miinada dhigaysiyo
Rag maanacay naftoodi
Geerida u malabsada
Ku yidhaahda maaree.

Allow Yaa masuuloow
Meeshaan ku noolnahay
Minan kaaga dhiga oo
Maska iyo dhurwaagiyo
Inta macangagee jira
Moos celiya kaa dhiga.

Madaxweynihii ayaa intuu maansada Oday raage tirinayey inta yaabay oo Afka gacanta saaray yidhi, Oday adiga Madaxtooyadaa lagu geeynayaa ee Habaarka iga daa shaqadaa ma qaban karee.

” Mulac carruuri dileyso, nina waa ku cayaayir nina waa ku qudh gooyo” Madaxda Tuutaha ku xarookata dheeldheel bay ka tahay. balse ujeedka dharkani xambaarsan yahay ma oga.

.

Cabdiraxiin Hilowle Galayr

galayr1977@hotmail.com

galayr777@gmail.com

_________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment