1113 Views

Dalalka Britain iyo Kenya oo ku heshiiyay la dagaalanka Al Shabaab

Dalalka Britain iyo Kenya oo ku heshiiyay la dagaalanka Al Shabaab
____________________________________________________________________________

Arbaco: july 28 2021

Dalalka Britain iyo Kenya ayaa kala saxeexday heshiis cusub oo dhanka difaaca ah oo looga hortaggayo halista kooxda Al Shabaab ee ka dagaallanta Soomaaliya.

Kadib kulan ay magaalada London wasiirada gaashaandhigga ee labada dal, Britain waxay shaacisay in Kenya ay ka caawineyso la dagaalanka argagixisada iyo taageerada dhanka militeriga.

Waxaana heshiiska kamid ah sidii laisaga kaashan lahaa dadaallada looga hortaggayo argagixisada ee ka socda gobolka Xeebta halkaas oo u udub dhexaad u ah waaxda dalxiiska ee Kenya.

Kumanaan ciidamo Britain ah ayaa sanad kasta waxay tababar siiyaan ciidamada Kenya.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post