1032 Views

Galmudug & DDS oo heshiis ka gaarey xiisad taagneyd

Galmudug & DDS oo heshiis ka gaarey xiisad taagneyd
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | April 19 2020–Kulan ka dhacay Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud ayaa waxaa heshiis rasmi ah lagu kala dhex-dhigay laba maleeshiyo beeleed oo ku dagaalamey deegaano ku yaalla xadka uu Gobolka Galgaduud la wadaago Dowladda Itoobiya.

 

Kulanka oo ay goobjoog ka ahaayeen mas’uuliyiin ka kala socda Dowlad Goboleedka Galmudug iyo Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa waxaa laga saarey heshiis ka kooban 13 qodob oo ku saabsan heshiisiinta labada beelood iyo sugida Amniga Xaduudka ee Galmudug iyo dowlad deegaanka Soomaalida.

 

 

 

Qodobada heshiiska ayaa waxaa ugu muhiimsan in hubka dhigis lagu sameeyo  labada maleeshiyo beeleed wixii hub sharci darro ah ee lagu arko xaduudaha ay la wareegeen Ciidamada Federaalka ee Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya.

 

In guud ahaan xaduudka labada dal uu noqdo mid ka caagan hunba iyo abaabul Ciidan beeleed.

 

In arrimaha xaduudaha labada dal ay ka hadlaan Guddiyada xaduudaha ee labada dawladood ama cidda ay wakiishaan.

 

In qofkii ama ciddii fal dambiyeed ka geysata xaduudka ay iska kaashadaan soo qabashadooda labada dawladood.

 

In wixii tabasho beeleed ah ee ka dhex jira dhinaca Gudaha Soomaaliya waxka qabashadeeda looga baahan yahay dowlad Goboleedka Galmudug.

 

Hadaba Hoos Ka Akhriso Qodobada Heshiiska oo dhameystiran.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment