1602 Views

AQRISO: Madaxweynaha Koofur Galbeed Lafta Gareen oo soo dhameystiray Wasiiradiisa cusub.

AQRISO: Madaxweynaha Koofur Galbeed Lafta Gareen oo soo dhameystiray Wasiiradiisa cusub.
____________________________________________________________________________

Mogadishu | QOL | February 13, 2019 –Madaxweynaha maamulka Koofur Galbeed C/casiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen), ayaa gelinkii danbe ee maanta soo dhameystiray xubnihii ka harsanaa Wasiiradiisa cusub.

Lafta Gareen oo maanta soo magacaabay xubno ka bdan kuwii uu dhowaan ku dhawaaqay, ayaa waxaa ku jira Dhalinyaro wax baratay oo isugu jira rag iyo dumar, kuwaasoo laga sugayo iney wax badan ka qabtaan howlaha ka socda deegaanada Koofur Galbeed.

Qaar kamid ah Wasiirada uu soo magacaabay Waxaa ku jira xubno kamid ahaa Wasiiradii Shariif Xasan Sheekh Aadan Madaxweynihii hore ee Koofur Galbeed ee isu casilay Cadaadis uga yimid dhanka dowladda Soomaaliya, sida uu isagaba hore u qiray.

“Waxaan maanta dhameystiray gollaha Wasiirada maamulka KGS oo aan ku xushay aqoontooda iyo kartida ay u leeyahay shaqada aan u igmaday. Waxaana kula dardaarmay in ay waajibkooda u gutaan si waafaqsan dastuurka KG” ayuu yiri Madaxweyne Lafta Gareen.

 

 

 

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment