1002 Views

Xisbiyo Iyo Siyaasiyiin Dalbaday In Si Deg Deg Ah Lagu Soo Daayo Wariye Cali Aadan Muumin

Xisbiyo Iyo Siyaasiyiin Dalbaday In Si Deg Deg Ah Lagu Soo Daayo Wariye Cali Aadan Muumin
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May 28, 2019–Waxaa saakay Xarunta Hay’adda Dembi Baarista ee CID-da Dowlada Soomaaliya lagu xiray Wariye Cali Aadan Muumin oo kamid ah Wariyeyaasha ka howlgala Warbaahinta Goobjoog FM ee Magaalada Muqdisho.

Xariga loo geystay Wariyaha ayaa waxaa siyaabo kala duwan uga hadlay Xisbiyo iyo Siyaasiyiin qaarkood ku jira dowladda Federaalka,isla markaana waxaa ay Cambaareeyeen xariga Cali Aadan.

Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa waxaa uu sheegay in xarigaas uu yahay mid sharci darro ah,isagoona dowladda uu hogaanka u haayo Madaxweyne Farmaajo ku eedeeyay inay caado ka dhigatay caburis, cagajugleys iyo laalush lagula kaco warbaahinta iyo wariyayaasha Magaalada Muqdisho.

Sidoo kale Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ku baaqay in si deg deg oo shuruud la’aan ah xorriyadiisa loogu soo celiyo Wariye Cali Aadan Muumin.

Dhinaca kale Siyaasiyiinta kala ah Cabdiraxmaan Odawaa,Mahad Salaad iyo Axmed Macalin Fiqi ayaa si wadajir ah ugu baaqay in la soo daaro Wariye Cali Aadan oo saakay lagu xiray Xarunta Hay’adda Dembi Baarista ee CID-da ee Magaalada Muqdisho.

Wararka qaar oo la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in Wariyaha loo xiray sababo la xiriir Imtixaanka dowladda,isla markaana Dacwad ay ka gudbisay Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya,isagoona Maalinta Berri ah Maxkamad la soo taagi doono sida lagu qoray Warbaahinta Goobjoog.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment