1524 Views

Ciidamada ay dowladda geysay Gobolka Gedo oo howlgal bilaabay

Ciidamada ay dowladda geysay Gobolka Gedo oo howlgal bilaabay
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 22da Maarso, 2021Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaliya oo maalmihii la soo dhaafay ay dowladda geyneysay Gobolka Gedo ayaa Maanta waxaa ay meelo kamid ah gobolkaas ka bilaabeen howlgallo kala duwan.

Ciidamada oo ka tirsan Nabadsugida Soomaaliya ayaa waxaa ay howlgal Maanta ka bilaabeen degaano hoostaga degmada Beled-Xaawo ee Gobolka Gedo, halkaas oo shalay Gelinkii dambe la geeyay.

Taliyaha howlgelinta Gobolada Jubbooyinka ee dowladda Soomaaliya Bakaal Kooke oo howlgalka hoggaminaya ayaa sheegay in ujeedkooda uu yahay sugida amniga iyo ka hortegida weerarada Ururka Al-Shabaab.

Sidoo kale Taliyaha waxaa uu sheegay in howlgalka uusan joogsan doonin ilaa ay ka xaqiijinayaan amniga dhamaan tuulooynka hoostaga degmada Beled-Xaawo oo mararka qaar ay weeraro kala duwan ka dhacaan.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa dowladda Soomaaliya waxaa ay Ciidamo horleh oo ka tirsan NISA ay geysay degmada Doolow ee Gobolka Gedo, kuwaas oo qaarkood, iyaga oo wata Gaadiidka dagaalka la geeyay degmada Beled-Xaawo.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post