939 Views

Askari lagu toogtay Banaanbaxyadda ka socda Mareykanka

Askari lagu toogtay Banaanbaxyadda ka socda Mareykanka
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  June 02, 2020–Askari ka tirsan booliska magaalada Las Vegas ayaa ka mid ahaa laba qof oo lagu toogtay halkaas maalintii Isniinta ahayd, sida ay warbaahinta dalkaas sheegtay.

Warbixin oo lagu qoray wargayka the Las Vegas Review-Journal ayaa lagu sheegay in booliska magaaladaas ay xaqiijiyeen in askariga lagu toogtay huteel agtiisa.

Telefishinka 8 News NOW ayaa sidoo kale baahiyay in askariga uu ka mid ahaa laba qof oo halkaas lagu toogtay.

“Xafiiskayga waxaa lagu wargeliyay in booliska magaalada Las Vegas ay hadda ku howlan yihiin laba dhacdo oo kala duwan, marka waxaa weli la qiimaynayaa xaaladda.” Ayuu yiri barasaabka gobolka Navada, Steve Sisolak.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
__________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment