2736 Views

Dagaal markale dib ugu qarxay deeganka Xeeraale ee Gobalka Galgaduud

Dagaal markale dib ugu qarxay deeganka Xeeraale ee Gobalka Galgaduud
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL |  22  August 2017 — Wararka ka imaanaya deegaanka Xeraale ee gobalka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa soo sheegaya in maanta mar kale dagaal culus oo ku bilaawaday deegaankaasi.

Dagaalka ayaa daba jooga dagaalo mudooyinkii la soo dhaafay halkaasi ku dhax marayay Ahlusunna iyo Ciidamo Beeleed, waxaana ka dhashay Khasaaro dhimasho iyo dhaawac sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Lama oga inta ay gaarsiisan tahay tirada dhimashada iyo dhaawaca waxaana wali socda dagaal culus sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Dagaalka Maanta ka socda Xeraale ayaa ku soo beegmaya iyadoo maanta uu baaqday wada-hadal la filayay in deegaanka Mareer guur ku dhaxmaro Mas’uuliyiin ka socda Maamulka Galmudug iyo Ahlusunna.

Lasoco Wixii Ku Soo Kordha 

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________

 

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment