1287 Views

Gudiga Hirgelinta Doorashooyinka oo soo dhaweeyay doorashadii xubnaha Aqalka Sare ee Galmudug

Gudiga Hirgelinta Doorashooyinka oo  soo dhaweeyay  doorashadii  xubnaha Aqalka Sare  ee Galmudug
____________________________________________________________________________

Jimco: August 13, 202

Gudiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal ayaa soo dhaweeyay hanaankii ay u dhacday doorashadii  xubnaha Aqalka Sare  ee Galmudug ka qabsoontay.

Afhayeenka Guddiyada doorashooyinka Axmed Aadan Dagaal Safiina ayaa  sheegay  in la qabtay  doorashada lix Kursi oo ka mid ah kuraasta Aqalka Sare  ee deegaan doorashadoodu tahay  Galmudug oo ay ku tartamayeen  12 musharax, kaasi oo ay soo baxeen 6 Senator  kadib markii  ay  tanaasuleen  lixda  musharax  ee  kale.

Mudane Axmed Aadan Dagaal ayaa xusay in Barlamaanka Galmudug ay ku doorteen xubnaha soo baxay cod gacan tag ah, isla markaana ay doorashadu u dhacday sidii loogu talagalay, isagoo Baarlamaanka Galmudugu uga mahadceliyay sida ay u guteen waajibaadkii loo igmaday.

Afhayeenka Guddiyada doorashooyinka Axmed Safiina Gudiga oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa tilmaamay in Guddiga uu Madaxweynaha Galmudug ka codsanayo in uu soo dhameystiro labada kursi ee ka hartay guud ahaan Xildhibaannada Aqalka Sare ee laga soo dooranayo Galmudug.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post