795 Views

Somalia iyo UNODC oo ka wada-hadlay xakameynta maandooriyaha

Somalia iyo UNODC oo ka wada-hadlay  xakameynta maandooriyaha
____________________________________________________________________________

Mogadisho  –-2020—Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa ku qaabilay  xafiiskiisa Wasaaradda ee Caasimadda Muqdisho, Wakiil goboleedka Xafiiska Qaramada Midoobey u qaabilsan maandooriyaha iyo dembiyada (UNODC), Dr. Amado Philip de Andrés, waxa ayna isla eegeen dhinacyada iskaashiga iyo iskuduwidda xakamaynta maandooriyaha iyada oo la raacayo heshiisyo la saxiixay oo la taabbagalaya istiraatiijiyadda qaran ee la dagaalanka maandooriyaha.

 

Labada dhinac waxa ay carabka ku adkeeyeen muhiimadda ay leedahay iskaashi u dhexeeya dhammaan dhinacyada ay khuseyso si loo dejiyo wax wadaag dhab ah oo hubiya sii ambaqaadka taageerada barnaamijyada mustaqbalka si kor loogu qaado awoodaha qaran ee looga hortagayo arrinkani iyo yareynta cawaaqib xumada uu ku yeelan karo qofka iyo bulshada.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment