1263 Views

Sawirro:-Boosaaso Oo Lagu Burburiyay Laguna Gubay Xashiish Iyo Khamri Laga Keenay Itoobiya

Sawirro:-Boosaaso Oo Lagu Burburiyay Laguna Gubay Xashiish Iyo Khamri Laga Keenay Itoobiya
____________________________________________________________________________

Mogadishu | QOL | February 11, 2019 –Laamaha Amniga Gobolka Bari ayaa Maanta Gelinkii dambe waxa ay fagaaro ku yaalla Magalada boosaaso ku gubeen kuna bur buriyeen dhalooyin Khamri ah iyo Xashiis farabadan oo howlgal lagu soo qabtay.

Waxyaabahaan maanka dooriya ayaa waxaa ay kala yihiin 68 Dhalo oo Khamri ah oo laamaha amniga ay sheegeen in laga keenay Itoobiya  iyo 53 Xabo oo Xashiis ah,sidoo kale waxaa lala qabtay raggii watay oo ka Ganacsanayay.

Guddoomiyaha Maxkada  Puntland oo goobta waxyaabaha maanka dooriya lagu gubayay ku sugnaa ayaa sheegay in sidoo kale gacanta lagu dhigay lacag farabadan iyo dad ka Ganacsanayay maandooriyaha,isla markaana Maxkamada la horgeyn doono

Waxa uu sheegay in waxyaabaha maanka dooriya ay dhibaato ku yihiin dhinaca amniga sidoo kale ay sababaan caafimaad darro,waxaana uu u mahad celiyay saraakiisha iyo Ciidamada Booliska oo howlgalkaas fuliyay.

Taliyaha ciidanka Booliska Puntland Janeraal Muxudiin Axmed Muuse ayaa isna dhankiisa sheegay in tani ay tahay guulweyn oo u soo hoyatay Shacabka Gobolka Bari,isla markaana hadii aan laga hortegin Carruurta yar yar la siin lahaa,waxaana uu Shacabka ka socday inay kala shaqeeyaan sidii looga hortegi lahaa.

Si kastab Puntland ayaa dhowr jeer waxa ay goob fagaaro ah ku gubtay maandooriye iyo sidoo kale raashin la sheegay in uu dhacay,kuwaas oo howlgal lagu soo qabtay.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment