984 Views

Soomaaliya oo qarka u saaran luminta xaqa codeynta golaha guud ee Qaramada Midoobay

Soomaaliya oo qarka u saaran luminta xaqa codeynta golaha guud ee Qaramada Midoobay
____________________________________________________________________________

Mogadisho  –January 11, 2020—Afhayeenka Qaramada Midoobay Stephane Dujarric ayaa kaga dhawaaqay Magaalada New York in Soomaaliya  ay ka mid noqotay 7 dal oo ka mid ah Qaramada Midoobay oo qarka u saaran in ay waayaan xaqa codka golaha guud ee Qaramada Midoobay.

 

Afhayeenka ayaa sheegay sababta ay tahay bixin la’aanta dhaqaalaha xubinimada oo ay la daaheen.

 

 

 

Waxa uu sheegay in dalalka kala ah  Comoros, Sao Tome iyo Principe ay go’aansadeen Oktoobar inay ilaalin karaan codkooda ilaa bisha Sebtember.

 

Golaha guud ayaa ka kooban 193 dal, waxaa kaloo ka mid ah dalalka arrintan saameynayso Venezuela iyo Lebanon.

 

Xeerka Qaramada Midoobay ayaa dhigaya in xubintii muddo 2 sano ah bixin weyda dhaqaalaha aanay ka codeyn doonin golaha.

 

Dowladda Soomaaliya ayaa ka mid ah dalalka lagu dhawaaqay in ay Qarka u saaran tahay in ay lumiso codeynta Qaramada Midoobey, waxaana la siiyay digniin ku aadan in ay soo gudbiyaan caqabadda heysta , maadaama uu waqtigu ka dhacay.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment