657 Views

Duqa Muqdisho oo kormeeray Dhismaha Wadada Biyaasa Liibaro

Duqa Muqdisho  oo  kormeeray Dhismaha Wadada Biyaasa Liibaro
____________________________________________________________________________

Talaado:  October 19, 2021

Gudoomiyaha Gobalka Banaadir Ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa kormeeray qaar kamid ah wadooyinka Caasimadda gaar ah ahaan wadada Biyaasa-Liibaro iyo Wadada Jaziira ee degmada Wadajir oo ay dowlada hoose Xamar ka wado howla dib u habeyn ah kaas oo lagu xoojinaayo bilicda magaalada.

Kormeerkan waxaa duqa magaalada Muqdisho ku wehlinaaye guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee maamulka gobolka Banaadir ahna ku-xigeenka maamulka iyo Maaliyada gobolka Banaadir Mudane Cabdiqaadir Maxamud Maxamed, iyadoo ujeedka kormeerkan uu ahaa mid uu Guddoomiyaha gobolka Banaadir mudane Cumar Filish ugu kuurgalayay sida ay u socdaan mashaariicda dib-udhiska ah iyo arimaha nadaafada.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post