258 Views

In ka badan hal milyan oo Kenyan ah oo isku diiwaan galiyay qorshe deyn siin ah oo ay dowladdu leedahay

In ka badan hal milyan oo Kenyan ah oo  isku diiwaan galiyay qorshe deyn siin ah oo ay dowladdu leedahay
____________________________________________________________________________

Khamiis:DECEMBER 1, 2022

Mashruucan ayaa ahaa mid ka mid ah ballan qaadyadii William Ruto ee ololaha doorashadaImage caption: Mashruucan ayaa ahaa mid ka mid ah ballan qaadyadii William Ruto ee ololaha doorashada

In ka badan hal milyan oo Kenyan ah, ayaa iska diiwaan galiyay qorshe deyn siin ah, oo ay dowladdu leedahay oo si gaar ahaaneed dhalinyarada iyo ganacsatada aan rasmiga ahayn mudnaan lagu siinayo, maalin uun ka dib markii la bilaabay.

Qorshahan, oo loo yaqaan Sanduuqa Hustler, ayaa waxaa bilaabay Madaxweyne, William Ruto, Arbacadii, waxaana uu horay u bixiyay lacag ka badan 400 milyan oo shilin ($3.3m; £2.7m) oo la bixin doono.

Warbaahinta maxalliga ah, ayaa kasoo xigatay wasiirka iskaashatooyinka oo tilmaamay in markii deymaha la baxshay ay dadku is weydaarsadeen ilaa 600 wax kala iibsi ilbiriqsikii, saacado kadib markii la bilaabay deyn bixinta.

Dad doonaya deynta, ayaa waxay awoodaan inay lacagta ku helaan iyagoo garaacaya koodka USSD, ama iyagoo isticmaalaya codsi taleefankooda gacanta.

Amaahdu waxay ka bilaabmaan inta u dhaxaysa $4 (£3) illaa iyo iyo $408 ee deyn-bixiyeyaasha gaarka ah. Amaahda kooxaha iyo shirkadaha yaryar, ayaa la bilaabi doonaa wakhti dambe.

Dadka doonaya deynta, ayaa laga filayaa inay dib u bixiyaan deynta 14 maalmood gudahood, iyo dulsaarka sanadlaha ah ee 8% ee la xisaabiyo maalintii, iyadoo lagu dalici doono.

Sanduuqa ayaa ahaa ballan-qaad muhiim ah, oo ololihii doorashada uu sameeyay madaxweynihii xilka qabtay bishii Sebtembar.

Waxa uu tilmaamay in sanduuqa, oo lagu beegsanayo in ka badan siddeed milyan oo qof, uu yahay mid siinaya nolol maalmeedka dhalinyarada, haweenka iyo kooxaha dakhligoodu hooseeyo, ee aan heli karin deyn bixiyeyaasha ganacsiga.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post