264 Views

Afhayeenka Al-Shabaab Cali Dheere oo ka hadlay weerarkii maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab ku ekeyeen hoteel Villa Rays kuna faanay

Afhayeenka  Al-Shabaab  Cali Dheere oo  ka hadlay weerarkii maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab ku ekeyeen hoteel Villa Rays kuna faanay
____________________________________________________________________________

Arbaco: November 30, 2022

Afhayeenka kooxda Al-Shabaab, Sheekh Cali Maxamuud Raage, [Sheekh Cali Dheere] ayaa ka hadlay weerarkii ku dhawaad qaatay 24-ka saacadood ee ay maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab ku ekeyeen hoteel Villa Rays oo ku yaalla xeendaabka madaxtooyada.

Cali dheere ayaa sheegay in weerarkaas ay ku dileen madax ka tirsan dowladda, saraakiil ciidan iyo askar. Sida lagu baahiyay warbaahinta taabacsan Al-shabaab ee Somali Memo.

“Weeraradaas jihaadiga ah ayaa beegsaday qeybta bari ee Madaxtooyada oo ay ku yaallaan buul-shimbireedyo ay ku dhuumaalaystaan madaxda dowladda, Allaah fadligii wuxuu hawlgalkan u dhacay qaabkii loo qorsheeyay kadib sahan iyo qiimeyn uu sameeyay jihaazka amniga” ayuu ku yiri qoraal lagu daabacay Somali Memo.

Ciidammada ammaanka ee Soomaaliya ayaa gelinkii dambe ee Isniintii sheegay inay soo afjareen dagaal hoteelka ka socday muddo ka badan 20 saacadood.

Hoteelka Villa Rays ee weerrarka lagu bartilmaameedsaday ayaa waxa uu ku yaal goob aad loo ilaaliyo oo ay ku badan yihiin mas’uuliyiinta dowladda, waxaana halkaasi lagu dilay ugu yaraan 8 qof oo rayid ah iyo hal askari.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post