741 Views

Dowladda Somalia oo Wafdi qiimeyn amni ah u direysa Gobolada dalka

Dowladda Somalia oo Wafdi qiimeyn amni ah u direysa Gobolada dalka
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL October 25|  2020—RWafdi ka socda Dowladda Soomaaliya ee uu hoggaaminayo taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa lagu wadaa inay qaar kamid ah gobolada dalka ka bilaabaan kormeer la xiriira dhanka Amniga.

Wafdiga oo safarkooda ugu horeeya ku tagaya Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa ay kormeer ku tegi doonaan Xarumaha loogu talo galay inay ka dhacaan doorashada Xildhibaannada labada Aqal, iyaga oo qiimeyn ku sameyn doona sida loogu diyaar garoobay & howlaha Amniga ee ka socda.

Wafdiga Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa waxaa ay kulan la qaadan doonaan Mas’uuliyiinta Maamulka Galmudug, iyaga oo kala hadli doona sidii loo dardar gelin lahaa sugida Amniga inta ay socdaan howlaha doorashooyinka.

Sidoo kale wafdiga ayaa waxaa ay tegi doonaan degaano kale oo ka tirsan Maamul goboleedyada si ay qiimeyn ugu sameeyaan diyaar garoowga dhinaca Amniga ee doorashooyinka.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  
_____________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post