1266 Views

Khilaaf soo kala dhex-galay Guddoomiyaha G/ Hiiraan & kan Beledweyne

Khilaaf soo kala dhex-galay Guddoomiyaha G/ Hiiraan & kan Beledweyne
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | February 08, 2021–Waxaa soo baxay Khilaaf xoogan oo soo kala dhex galay Guddoomiyaha Gobalka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan iyo Guddomiyaha degmada Beledweyne, kaas Maanta siweyn looga dareemay Magaalada Beledweyne.

Guddoomiyaha Maamulka Gobalka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa Maanta Shaqo joojin ku sameeyay Guddoomiyaha degmada Beledweyne oo uu u jeediyay Eedeyn ay kamid tahay in uu isbaaro dhigtay.

Guddoomiyaha Degmada Beledweyne ayaa dhankiisa sheegay in uusan Shaqo ka joojin karin Guddomiyaha gobolka, isaga oo dhankiisa u jeediyay Eedeyn kala duwan.

Wararka la helay ayaa sheegaya in khilaafka uu salka ku haayo xil ka qaadis lagu sameeyay Guddomiyaasha xaafadaha Beledweyne.

xafiiska Wararka Qaranimo Online |
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post