1038 Views

Gudoomiye waaxeed ka tirsan degmada Kaxda ee gobolka Banaadir oo la dilay

Gudoomiye waaxeed ka tirsan degmada Kaxda ee gobolka Banaadir oo la dilay
____________________________________________________________________________

Wararka ka imaanaya Duleedka Muqdisho ayaa sheegaya in Dabley hubeysan ay ku dileen halkaas Gudoomiye waaxeed .

Gudoomiye waaxeedkan la dilay ayaa ka tisnaaa Saraakisha degmada Kaxda ee gobolka Banaadir, sida dad deegaanka ah ay u xaqiijiyeen Saxaafada.

Guddoomiye waaxeedka la dilay oo lagu magacaabi jiray Ibraahim Colow Cali ayaa waxa dilka loogu geystay waaxdii uu maamulayey ee Siinka-dheer ee degmada Kaxda. Waxaa sidoo kale goobta lagu dilay qof la socday.

Sidoo kale dableydii fulisay dilka guddoomiyaha ay iskaga baxsadeen goobtaasi, iyada oo ay halkaasi gaareen ciidamo badan oo ka tirsan booliska Soomaaliya.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post