3210 Views

gabadha Soomaaliya ku meteli doonta tartanka quruxda caalamka

gabadha Soomaaliya ku meteli doonta tartanka quruxda caalamka
____________________________________________________________________________

Khamiis: November 25, 2021

 Tartanka quruxda adduunka Miss World 2021 ayaa dhawaan lagu qaban doonaa jasiiradda Puerto Rico. Qoob ka ciyaarka aduunka iyo quruxda ayaa ka mid ah waxyaalaha lagu qiimayn doono Miss World.

Barnaamijkan waxa uu soo kordhiyey fikrado badan oo cusub iyo faa’iidooyin dhab ah oo bulshada u soo kordhay.

Laakin markan waxaa tartankaas qayb ka ah tartame ka dhigay jawiga xafladan mid qurux badan. Yacni joogitaankeeda tartanka, gabadh lagu magacaabo Khadiija Cumar oo ah haweenay u dhalatay dalka Soomaaliya ayaa horumar cusub ka samaysay dhanka tartankan lagu xusho boqoradda quruxda.

Halkan waxaannu idinkula wadaagaynaa shan sawir oo aannu ka soo qaadnay boggeeda Instagram-ka.

Khadiija waa tartamihii ugu horreeyay ee xijaab xidhan oo Soomaaliya u matasha Miss World 2021.

Khadija, hadda waa arday barato cilmu nafsiga o ku nool dalka Canada.

Tartamada caalamiga ah ee quruxda waxaa lagu xasuustaa Xaliima Aadan, oo dhawr jeer ku guulaysatay billado, inkasta ay markii danbee joojisay hawshaas.

Waxay sidoo kale Khadija ka shaqeysa arrimaha bulshada sida UNHCR oo ay kala shaqeysa arrimaha dhallinyarda iyo isbadelka cimilada.

Miss World waa tartanka quruxda caalamiga ah ee ugu da’da weyn. Waxaa lagu sameeyey markii u horrey Boqortooyada Ingiriiska waxaana horkacay Eric Morley 1951.

Miss World 2021 waxay noqon doontaa sannad-guuradii 70-aad ee tartankan. Waxaa loo qorsheeyay in lagu qabto Diisambar 16, 2021 goobta Jose Miguel Agrelot Coliseum ee San Juan, Puerto Rico.

Miss World waxaa hadda haysta hawenay lagu magacaabo Toni-Ann Singh oo reer Jamaica ah oo ay u caleemo saartay Vanessa Ponce ee Mexico 14kii Diseembar 2019 gudaha London, England.

Waxaana ay tahay Jamaican-kii afaraad ee ku guulaysata Miss World.

BBC

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post