1554 Views

DEG DEG:-Laba Diyaaradaha Dagaalka Ee Hindiya Oo La Soo Riday Iyo Duuliye Gacanta Lagu Dhigay

DEG DEG:-Laba Diyaaradaha Dagaalka Ee Hindiya Oo La Soo Riday Iyo Duuliye Gacanta Lagu Dhigay
____________________________________________________________________________

Mogdishu | QOL | Febaraayo 27, 2019 –Ciiddanka Cirka dalka Pakistan (PAF) waxay sheegeen inay burburiyeen 2 Diyaaradaha Dagaalka Hindiya oo ku soo xad-gudbay Hawada Pakistan, isla markaana ay Hal Duuliye gacanta ku dhigeen.

Afhayeenka Milliteriga Pakistan, Sarreeye Gaas Asif Qafuur ayaa sheegay inay Ciiddanka Cirka Pakistan saakayto ka fal-celiyeen xad-gudbka Diyaaradaha Hindiya ee soo galay Hawada dalkooda, isla markaana ay 2 Diyaaradaha Dagaalka Hindiya toogteen, iyadoo mid ka mid ah ku soo dhacday gudaha xuduudka Pakistan, halka Diyaaradda kalena ku dhacday Gobalka Jaamu-Kashmiir ee ay Pakistan iyo Hindiya kala maamulaan.

Waxa uu intaasi ku daray inay Ciiddanka dhulka gacanta ku dhigeen Duuliye ka mid ah kuwii waday Diyaaradaha la soo riday.

Dhinaca kale, Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Pakistan ayaa xaqiijisay inay Ciiddanka Cirka soo rideen 2 Diyaaradaha Dagaalka ee Hindiya.

Hadal ka soo baxay Wasaaradda ayaa lagu sheegay inaysan Pakistan doonaynin inay toogtaan Diyaaradahaasi, balse, haddii Ciiddanka lagu khasbo ay samaynayaan tusaalahaasi o okale.

Wasaaradda waxay Falka lagu soo riday Diyaaradahaasi ku sheegtay inay tahay Is-difaac ay xaq iyo awood u leeyihiin

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogdishu 

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment