849 Views

Booliiska Kenya oo xiray Xildhibaanno ka tirsan Aqalka Sare

Booliiska Kenya oo xiray Xildhibaanno ka tirsan Aqalka Sare
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | August-17-2020–Saddex xildhibaan oo ka tirsan aqalka sare ee baarlamaanka Kenya ayaa xalay la xiray, iyadoo maanta cod loo qaadayo qeybsiga dakhliga, sida laga soo xigtay xildhibaanno kale.

Xildhibaannada kala ah Cleophas Malala iyio Chrisptopher Langat ayaa laga soo xiray guryahooda oo ku yaalla Nairobi, sida uu sheegay hoggaamihiyii aqlabiyadda baarlamaanka ee hore Kipchumba Murkomen.

Booliiska ayaan weli ka jawaabin arrintan. Ma cadda sababta aysan boolisku ugu yeerin xildhibaannadan.

Cod qaadista qeybsiga dakhliga ayaa dib loo dhigay siddeed jeer oo hore, sababo la xiriira khilaaf ka dhashay habka ay 47-da deegaan u qeybsanayaan 316.5bn oo shilinka Kenya ah ($2.9bn).

Xildhibaannada ayaa saakay codsaday in dib loo dhigo codbixinta si looga doodo sababta loo xiray xildhibaannadan.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  __________________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post