867 Views

Rooble oo liiska Argagixisada ka saaray ONLF markii Xukuumadii ka horaysay ku tilmaantay Argagixiso

Rooble oo liiska Argagixisada ka saaray ONLF markii Xukuumadii ka horaysay ku tilmaantay Argagixiso
____________________________________________________________________________

August 14, 2021 Sabti:

Raisal wasaaraha Somaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa Nairobi kula kulmay Hogaamiyaha Jabhada ONLF ee ka dagaalanta Itobiya iyo C/kariin Qalbi dhagax oo Xukuumadii ka horaysay Rooble ee kheyre ay u dhiibtay Dowlada Itobiya.

Kulanka Rooble ayaa meesha ka saaraya Hadalkii ka soo yeeray Xukuumadii ka horaysay Rooble  ee uu hogaamin jiray kheyre oo dabayaaqadii 2017-kii kulan ay yeesheen Golaha Wasiirada  ku tilmaamay Ururka ONLF iyo Cabdikariim Muuse Qalbi-Dhagax ku sheegay in ay yihiin Argagixiso, loona baahan yahay  in Naf iyo maalba lagu wareejiyo dadkaas Dowlada Itobiya.

Kulankan sadaxda Mas’uul oo ka dhacay Nairobi ayaa waxa uu dhabar jab ku yahay Madaxweynaha Waqtigiisa dhamaaday maxamed C/llaahi farmaajo oo aan Wali Cudurdaar ka bixin qaladkii ay gashay Dowladiisa, maadama uu ahaa Gudoomiyaha Amniga Qaranka oo uu go’aanka uu Rabo ka qaadan karay dhiibistii Qalbi dhagax.

Sidoo kale Raisal Wasaarihii  hore ee Soomaaliya kheyre ayaa  bilo ka hor waxa uu kulan aan la shaacin magaalada Nairobi kula yeeshay Cabdikariim Muuse Qalbi-Dhagax, waxaana la sheegay in kheyre uu sameeyay Cudurdaar halkaasna uu ku dhiibay Xaalmarin sida ay bogaan u sheegeen dad kulankaasa goob joog ka ahaa.

Abdihakim Elmi Hassan

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post